Puntland oo ka digtay meelmarinta sharci la xariira Kalluumeysiga Soomaaliya oo horyaala golaha shacabka

04 Mars  2023 (Puntlandes) Puntland ayaa ka digtay meelmarinta Nuqulo sharci la xariira Kalluumeysiga Soomaaliya, oo horyaala golaha shacabka faderaalka, kaas oo ay sheegtay in uu halis ku yahay daganaanshaha siyaasadeed, Hanaanka Federaaleynta iyo Amniga Qaranka.

Warar soo baxay ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mid kamid ah ganacsatadii dhaqaalaha siisay xiligii doorashadiisa u xiray Mashruuca Jariifka xeebaha Soomaaliya, waxaana sharciga cusub ee golaha shacabka la horgeeyey ee ay diiday Puntland ku jira, in lagu qaato Malaayiin Dollar oo ay bixinayo Hay’addaha dhaqaalaha Aduunka, iyadoo ay qeyb ka yihiin Mashaariicaha aan daahfurneyn ee dhaqaale-raadiska ah.

About The Author