Laascaanood: Cabdiraxmaan Saylici “mana aanu filayn inay Garaadadu dagaal oogayaan noqonayaan….”

15 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo siiyay Sahan TV waraysi uu usoo dhiibay madaxweyne Muuse Biixi oo wax laga waydiiyey duqaynta iyo burburinta ay Ciidamada Somaliland ka gaysteen magaalada Laascaanood ayaa yiri “dabcan xukuumad ama dawlad haddii lasoo weeraro difaac way galaysaa, ..laakiinse dawladuhu waxay iska daafacaan cadowga haddii uu gudaha yahay iyo haddii uu dibadda yahayba, inay isdifaacdo waa waxay u xilsaaran tahay”

Saylici oo ka jawaabayey suaal la xiriirtay soo gelitaankii Garaadada SSC ee magalaada Laascaanood ayaa yiri “waxaana is niri intii la oran lahaa dhaqankii Laascaanood ayaa loo diiday magaaladoodii oo ay ka maqnaayeen u ogolaada…. mana aanu filayn inay dagaal oogayaan noqonayaan….”

Mar wax laga waydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu Saylici yiri “anigu waxaan aaminsanahay inuu ka talaabay khadkii, xayndaabkii Somaliland..dastuurkii iyo dhaartii uu ku dhaartay waxaan anigu qabaa inuu wixiiba ka talaabay markuu yiri 33ka nin ee cidlada iska abaabulay iyo nimankaa Garaadada ahaa waxay qabaan baan qaabaayoo iyagaan raacsanahay oo Calankii Buluugga garab fariisto…”

“…magaaladoodii quruxda badnayn inay dumiyaan Garaadadaas iyo nimanka soo duulay inaguna aynu soo daynay oo aanu is lahayn wanaag bay ka talinayaanninka inuu ku raacay waxaana is leeyahay doorkiisii ma qaadan”

“arinta Cabdirisaaq Golihii uu ka odayga ahaa ayey hawshu u taalaa sababtoo ah way arkayaan ficilkiisa inuu dee wixii uu ku dhaartay ee dastuur iyo qaranba lahaana uu ka tilaabay kama labolabaynayo oo waxaan leeyahay walaalkay Cabdirisaaq wuu ka talaabay, Golaha Wakiilada ayaa looga baahan yahay inay si caqli ah u shaqeeyaan wixii qaranka karaamadiisa wax yeelayana iyagaa laga rabaa inay wax kasoo saaraan”

Saylici oo la waydiiyey Xukuumada Somaliland Laascaanood yey kula dagaalamaysaa ayaa wuxuu ku jawaabay “horta dadka lala dagaalamayaa way noocyo badan yihiin inta Qabyaalada lagu soo kiciyey ee malayshiyaad Qabaail ah oo ah reerka deeganka kasoo jeeda waa mid, qolada labaad waa qoladii argagixisada ahaa ee Markii Somaliland gacanta ku haysay meesha madaxa la kici lahaa oo Markii foodo dhacday madaxa la soo kacay oo waa Argagixiso labadaas qolo uun bay u badan yihiin intaas uun bay u badan yihiin….”

Saylici oo ka hadlay waanwaantii beesha Caalamku waday ayaa caddeeyey inay Itoobiya marka ay la soo xiriirto ay u dirayaan madaxdahaqameed dhankooda ka socda oo la hadla Garaadada Sool.

About The Author