Beesha Caalamka oo Deni u cadaysay inay muhiim tahay in Puntand ka qaybgasho shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran

20 March 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa Beesha Caalamka maanta kula kulmay magaalada Nairobi, waxayna u cadaysay inuu iska xaadiriyo shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran.

Sida lagu qoray barta Twitterka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Deeqbiyayaasha Caalamiga ah oo maanta la kulmay Madaxweynaha Puntland Deni ay u caddeeyeen inay muhiim tahay in Puntand ay xaadirto shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, si ay halkaas ugu gudbiso aragtiyadeeda ay uga qeybqaadanayso dadaallada mirodhalka ah ee loogu jiro dawlad-dhiska Soomaaliya.

Warkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Deni oo tabasho uu qabay darteed uga baaqday Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee todobaadkii hore Baydhabo ka dhacay, uu safar ugu baxay Nairobi, halkaas oo la sheegay inuu beesha Caalamka ugu gudbinayay mowqifkiisa ka maqnaanshaha shirkaas.

About The Author