Sawirro: Madaxweyne Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo oo Nairobi kulan kula yeeshay Beesha Caalamka

20 March 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Nairobi ayaa Maantay Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

Shirka ayaa looga wada hadlay:

1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.

2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool

3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Dowladda Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey hormarka ka socda Puntland oo ay ugu horeyso in barnaamijka doorashooyinka uu si habsami leh u socdo iyo dhammeystirka is diwaangelinta codbixiyaasha. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen in Dowladda Puntland galisay dhaqaale ka badan kan ay deeq bixiyaashu ku bixiyeen illaa hadda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.

About The Author