Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud

26 March 2023 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo saaray, Xeer Ku-sime Madaxweyne Lr006 iyo Lr007, March 26, 2023, kuna saabsan Magacaabid Agaasimeyaal guud.

Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland.

Markuu arkay:- Dastuurka dowladda Puntland.

Markuu arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.

Markuu arkay:- Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimadooda Shaqo.

Wuxuu xeeriyey.

1. Waxaa Cawil Maxamuud Cali (Kabaweyne) loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

2. Waxaa C/kariin Axmed Jaamac loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iyo waraabka dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

====DHAMMAAD=====

About The Author