TPEC oo Digniin udiray shaqaalaha Dowladda Puntland inay ka fogaadaan ku milanka Ururada Siyaasada Puntland

 09 May 2023 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC), ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu Digniin udiray shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Puntland, iyagoo ku war-geliyey inay ka fogaadaan ku milanka Ururada Siyaasada Puntland.

Waxaa jira xubno shaqaale ah oo ka dhex muuqda qaar ka mid ah ololaha Ururada Siyaasada Puntland, kuwaas oo aan u gudbin doono xeer ilaalinta, si dacwad loogu soo oogo talaabo sharciga waafaqsana looga qaaado.

About The Author