Sawirro: Ciidamo Boolis ah oo la wareegay Kantaroolka Bari ee Garowe

09 May 2023 (Puntlandes) Ciidamo ka tirsan Booliska dawladda Puntland oo wata gadiid dagaal kana gadoodsan mushahaar la’aan ayaa la wareegay Kantaroolka Bari ee Garowe, iyagoo joojiyey isu socodka gaadiidka.

Todobaadkii hore Ciidan mushahaar la’aan ka Gadoodsan ayaa la wareegay kantatoolka Gaalkacyo kuwaas oo wali haysta xili madaxwayne Deni ku sugan yahay magaaladaas.

Taliyaha booliska Puntland Gen Muumin Cabdi Shire ayaa u tagay Ciidanka mushahaar la’aanta ka gadoodsan ee haysata kantaroolka., kuwaas oo aan mushahaar qaadan mudo 5bilood ah.

Taliyaa u sheegay Ciidanka inay heli doonaan mushahaar labo bilood ah isla markaana ay baneenayaan kantaroolka balse ay ku adkaysteen in marka mushahaarkooda la siiyo oo ay ku laaban doonaan fariisinadoodii.

About The Author