Sawirro: Nairobi oo lagu daahfuray Mashruuc Dowlada Japan kacaawineyso Maamulka Gobolka Banaadir

 11 May 2023 (Puntlandes) Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa lagu daahfuray, Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Kenya, Mashruuc ballaran oo ay Dowlada Japan kacaawineyso Maamulka Gobolka Banaadir Khariidadeynta habka Dijital-ka ah ee dhamanaan Degmoiyinka Muqdisho.

Mashruucaan furitaankiisa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyada, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Agaasimaha Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha, Safiir Kuxigeenka Safaarada Japan ee Kenya, Howl wadeeno iyo Qubaro Japanese ah, waxaana shirka Martigaliyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Faa`iidada Mashruucaan ayaa waxaa kamid noqon doona:

1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka

2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP)

3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Topographic

4-Horumarinta Nidaamka GIS Web

5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose

About The Author