Sawirro: TPEC soo dejiyay qaybtii 2aad ee agabka Doorashada Golayaasha deegaanka Puntland

11 May 2023 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta soo dejiyay qaybtii 2-aad ee agabka Doorashada qof iyo codka ah ee Golayaasha deegaanka Puntland.

Agabka ayaa kala ah Sanaadiiqdii codbixinta, Qolka codbixyaha, Khada farta (lagu calaamadinayo codbixiyaha), Tooshka lagu xaqiijinayo kaarka codbixiyaha iyo farta codbixiyaha (Hadduu mar codeeyay qabanaya), kolayadii agabka lagu gurayay iyo qalab kale oo muhiim u ah Doorashada.

Shacabka Puntland ayaa sida xukuumaddu qorsjhaysay u dareeri doona codaynta doorashada golayaaasha degaaanka 25 may 2023.

About The Author