Shirka Wadatashiga Siyaasadda Puntland oo Garowe ka socda

14 May 2023 (Puntlandes) Waxaa iminka ka furmay caasimadda Puntland ee Garowe Shirka Wadatashiga Siyaasadda Puntland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen madax hore ee Puntland, dawladda Federaalka iyo Siyaasiyiin.

Shirka oo soconaya maanta iyo berri ayaa Ajendayaasha lagu falanqaynayo oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes waxay kala yihiin:

1- Marin habaabinta Arimaha doorashooyinka

2- Dastuurka Puntland iyo ku takrifalkiisa

3- Arinta Laascaanood oo ah qaddiyad Masiiri ah laakiin madaxweynaha Puntland u isticmaalayo olole doorasho

4- DF oo Puntland ka jeedisay hadallo dhiillo colaadeed xambaarsan

5- Jihaynta Mustaqbalka Puntland

Waxaa shirka dhanka khadka (Zoom) uga qayb galaya

  1. Madaxweynihii hore ee Puntland iiminka ah Senator Cabdiraxmaan Faroole
  2. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas
  3. Ra’iisul Wasaare hore DFS Cumar C/rashiid
  4. Wasiir hore DFS Axmed Awad
  5. Wasiir hore Puntland Farax Cali Shire
  6. Wasiir hore Puntland Cali Xaaji Warsame

Siyasiyiinta shirka fadhida oo  kasoo kala jeeda dhammaan gobollada Puntland ayaa waxaa ka mid ah:

1- Wasiir hore Puntland Guuleed Saalax

2- Axmed Caydiid

3- Wasiir hore Puntland Cawil Xaamud

4- Amb Cabdirasaaq Shoole

5- Wasiir hore DFS Maxamuud Xayir Ibraahim

6- Xildhibaan hore DFS Sulaiman Hashi

7- Xildhibaan hore DFS Cumar Ismail

8- Wasiir hore Puntland Xasan Abgaaloow

9- Wasiir hore Puntland Cabdi Jaamal

10- Wasiir hore Puntland Cabdullahi Sheikh

11- Wasir kuxigenkii hore Puntland Maxamed Cabdulqaadir

12- Maxamed C/raxmaan Faroole

13- Jama Farah Muuse

About The Author