Sawirro: Ururka Deni ee KAAH oo Garoonka Cawaale Stadium Gaalkacyo u gaystay burbur

13 May 2023 (Puntlandes) Garoonka Cawaale Stadium Gaalkacyo ayaa toddobaadkaan waxaa ka dhacay olollihii doorashada golaha deegaanka Gaalkacyo sida ka muuqata sawirada waxaa soo gaaray bur bur xooggan oo ay geysteen dadkii halkaas la isagu keenay.

Ururada KAAH ayaa dhibta u badan u gaystay garoonka, taageerayaashiisa ayaa burburiyay siliga xayndaabka garoonka, maamulka garoonka ayaa urur walba u gudbiyay qiimaynta lacageed ee khasaaraha soo gaaray garoonka iyadoo ilaa iyo haatan aysan jirin cid kasoo jawaabta.

Sida aan la socono aabuuca dambe waxaa ka dhici doona isku soo baxyo ka balaaran kuwii hore oo wata bandhig faneedyo loo soo kiraystay fanaaniin, hadaba miyuu mudan yahay Cawaale in sidaas fudud lagu burburiyo oo aan dib loo eegin?

Mise wanaagsan in maamulka degmada Gaalkacyo ay ka joojiyaan dhamaan ururrada doonaya in ay halkaas dad badan isagu keenaan!

About The Author