18 May 2023 (Puntlandes) Dagaalada khaasro badan dhaliyey ayaa ilaa saaka kasocda gobalka Sool, isagoo sii xoogeysanaya kana socda Bariga buuraha magaalada, Maraaga oo masaafo Barigga uga beegan Laascaanood ilaa Tuula Samakaab oo 46KM Laascaanood ka xigta Galbeedka ayaa dagaaladan ka socdaan.

Labada dhinac-ba, waxay muuqdaan kuwa wax kasta huraya si ay guul dagaal u gaaraan, iyadoo Somaliland ay xooga saarayso in ay ugu yaraan riixdo ciidamada deegaanka, si fursad ugu hesho badbaadinta wadada Samakaab oo marin xasaasi u ah ciidanka Somaliland ee kusugan Goojacade.

Bariga magaalada, gaar ahaana Buuraleyda magaalada Laascaanood, ayay Somaliland maanta xooga saartay in ay dib u qabsato, iyadoo goobahan gacanteeda ay kabaxeen 26-Feb, hayeeshee dadka deegaanka ayaa iska difaacaya duulaankan oo ay aagagan sida muuqaaladu cadeynayaan kugubeen baabuur dagaal.

Dhinaca Maraaga oo ah (Barriga kubeegan) aag kale oo muhiimad gooni ah u leh dhinacii qabsada ayaa dagaalka xoogan kasocdaa, kaas oo ay qeyb kayihiin Taangiyada dagaalka ee labada dhanba.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta sheegay in dagaalkan socon doono, oo uusan joogsan doonin habayaraatee.

About The Author