SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka gobolka Sool ka socda

18 May 2023 (Puntlandes) Guddiga 33ka ee SSC-Khaatumo ayaa waxay soo saareen warsaxaafadeed au ku faahfaahinayaana dagaalka aad u qaraar oo gobolka Sool ka socda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeed ka:

Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas, sidoo kale na jab weyn u gaysteen malayshiyada soo duushay ee Somaliland.

Weli dagaalku waa uu socdaa, waxaana Ciidamada Xaq-u-dirirka SSC ay ka xaqiijiyeen furimaha dagaalka guulo waaweyn. Shacabka SSC-Khaatumo waxa ay mar walba u taagan yihiin difaaca dhiigooda, karaamadooda iyo deegaankooda, waxayna wacad ku mareen in ay deegaannadooda ka sifeeyaan malayshiyada soo duushay ee Somaliland waqti kasta oo ay ku qaadato.

Caaqil Cabdirisaaq Falaalug.
Afhayeenka SSC-Khaatumo

About The Author