Sawirro: Shirka golaha wadatashiga qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

24 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirka ayeysan Puntland kasoo qaybgelin waana shirkii labaad oo aysan ka qaybgelin, iyadoo uu madaxweynaha Puntland Siciid Deni diiday kii Mudisho ee december inuu saxiixo.

Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

About The Author