Sheekh Shariif, Kheyre, Cumar C/rashiid, Gaas, Shariif Xasan iyo C/qadir Cosoble..: go’aamada kasoo baxay GWQ waa kuwo baalmarsan dastuurka dowladda federalka iyo dastuuradda dowladgobaleedyada dalka

29 May 2023 (Puntlandes) War murtiyeed ay wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Cadiweli Shiikh, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan, Wasiir hore C/qaadir Cosoble, Cabdinuur Sheekh Maxamed  iyo siyaasi Cabdinasir Cabdulle Maxamed ayaa waxay ka digeen qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), kuwaas oo ay ku sheegeen inay dastuurka dalka baalmarsan yihiin.

Madaxda hore ayaa ka digtay in heshiis aysan u dhamayn dhamaan madaxda dawlad goboleedyada uu halis gelin karo midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in loo dhamaado goaamada masiiriga ah.

Sidoo kale waxay sheegeen in qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen GWQ ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee ay dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka:

About The Author