Farmaajo oo kahoryimid heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

29 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Farmaajo ayaa soo dhaweeyey in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka wuxuuna kasoo horjeestay qodobada masiiriga ah oo taabanaya daltuurka dalka isagoo ku baaqay in lagu wajaho heshiiyo wadatashi heer qaran ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri qoraalka ku yiri “Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)”

About The Author