Sawirro: Ciidanka madaxtooyada oo Mushahaar la’aan ka Gadoodsan oo xirtay Wadada Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Garowe

31 May 2023 (Puntlandes) Ciidanka madaxtooyada oo Mushahaar la’aan ka Gadoodsan ayaa xirtay Wadada Madaxtooyada iyo Wasaaradaha dawladda ee Garowe aadada.

Shalay ayey ahayd markii Ciidamada birmadka oo ka mid ahaa Ciidamada la socday safarka madaxwayne Deni ay mushahaar la’aan awgeed ay u xirteen wadooyinka Dekadda Bosaso,xili madaxwayne deni Dekadda booqan lahaa.

Xukuumada madaxwayne Deni oo ku jirta Sanadkii ugu dambeeyey mudo xileedkeeda ayaa ku Guul daraysatay in bixiso mushahaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha waxaana bilihii la soo dhaafay Ciidamadu mushahahaarkooda ku helayeen,Gadood iyo goobo ay qabsadaan iyadoo shaqalaha la ilaaway madaama aysan hubaysnayn oo meelna aysan qabsanayn.

About The Author