Shirkadda DP-World oo lacago badan ku soo rogtey qof kasta oo geleya dekedda Bosaso

31 May 2023 (Puntlandes) Shirkadda DP-World ee ay Xukuumadda Puntland heshiiska la gashay inay balaarintana ka wada Dekedda Bosaso ayaa lacago aad u badan ku soo rogtey qof kasta oo geleya dekedda Bosaso.

Dadka lacagaha laga doonaya ayaa kala ah:

1-Shaqaale: Waxaa laga qaadayaa 7$/6 bilood

2-Booqde: Waxaa laga qaadayaa 1$/maalintii

3-Wade Wiish: Waxaa laga qaadayaa 20$/6 bilood

4-Ganacsatada wax la soo degta: Waxaa laga qaadayaa 50$/6 bilood

5-Baabuur 1-6 Ton: Waxaa laga qaadayaa 1.1$

6-Baabuurta ka wayn6 Ton: Waxaa laga qaadayaa 2.7$

Shaqaalaha, ganacsatada iyo shacabka ay dantu ka gasho Dekedda ayey ku adkaan doontaa inay bixiyaan lacagta ay ku soo rogtay Shirkadda DP-World.

About The Author