Daawo Muuqaal: RW Xamse “Waxan hebal ayaa raba ma soconayso, wuxuu qof rabo dalku uma Dabranaanayo haddii dantaada laguu diido dadka been ha u sheegin”

31 May 2023 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyey inay iyagoo danahooda eeganaya ay carqabad ku noqdeen DFS mas´uuliyiin uusan magacyadooda sheegin laakiin loo fahmayey madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Deni oo dhan ah iyo madaxdii hore iyo Siyaasiyiin muraad ku ah dawladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu yiri ”Dalkaan meesha uu joogo waxaa dhaafin kara qof u diyaar garooba surwaalka labadiisa gadaf in lagu dhago, jaakadda laga jeex jeexo , wax kasta lagu sameeyo – laakin meesha uu u socdo ay caddahay, mararka qaar la lagdayo , haddana waad iska kici .. meesha aan rabno ee aan u socono way caddahay – Shabaab dalka innan ka xorreyno weye , dastuurkeennu waa inuu dhammeystirmaa.”

Wuxuu intaa ku daray “Annaa maqan hebela maqan, haddaad maqantahay kaalay cid miya ku diiddan waliba waa lagugu tog-tuuga , caqligaaga loo baahanyahay , maskaxdaada loo baahanyahay , waxaad dooneysid ayaa la rabaa .. waa lagu tanaasula , laakin soo fadhiiso , haddaad soo fadhisan waydo , adiga shaqsiyan dadka ha ugu soo hormarin .. shacabka in la dhumiyo lama rabo .. Siyaasiga Soomaaliyeed isaga dantiisa wada kaligii , lamo rabo inuu dantiisa iyo danta Shacabka isku daro.”

About The Author