Booliska shaaciyey khasaarihii weerarkii ay xalay kooxda Alshabaab ku qaaday hoteelka Pearl Beach

Somalis stand stand outside the destroyed Pearl Beach hotel in Mogadishu, Somalia, Saturday, June 10, 2023. Witnesses and state media in Somalia say extremists have attacked the beachside hotel in the capital, Mogadishu, and security forces are responding at the site as some people remain trapped inside.(AP Photo/ Farah Abdi Warsameh)

10 June 2023 (Puntlandes) Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in weerarkii ay xalay kooxda Alshabaab ku qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in hoteelka la weeraray ay ku sugnaayeen shacab fara badan, isla-markaana ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay baabi’iyaan dadkaasi.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaciyay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

About The Author