XOG: Xasan Sheekh oo ku soo wajahan Garowe, shacabku ma qaadan doonaan inuu Xasan Sheekh jecel yahay Puntland?

11 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku soo wajahan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wafdi hordhaca oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa ka soo hormaraya, waxayna Garowe ku soo wajahan yihiin talaada ay bishu tahay 13ka.

Puntland iyo dawladda Federaalka ayaa xiriirkoodu aad u liitay 6dii bilood ee u dambaysay iyadoo uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni diiday inuu saxiixo Heshiiskii shirkii December 2022kii ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kana baaqsaday inuu ka qaybgalo labo shir oo ka dambeeyey.

Deni iyo Xasan Sheekh ayaa isku qabtay arimo dano shaqsiyadeed, waxaana la filayaa inay iminka dhamaysan doonaan.

Deni oo awalna doorashadii Xasan Sheekh ka dambeeyey ayaa shacabka Puntland si xoogan ugu kiciyey inuu Xasan Sheekh neceb yahay Puntland, iyadoo ay shacabka si fudud u qateen.

Waxay su` aali ka taagan tahay shacabkaan marba meeshii la doono loo jihan karo ma qaadan doonaan marka Deni iyo Xasan danahooda ka heshiiyeen inuu Xasan Sheekh jecel yahay Puntland?

Puntlandes.com

About The Author