Dilkii Saado kadib waxaa Baarlam. ka doodayaa in caasimada Xamar laga raro

0

403

Wasiirkii hore eedifaaca ee DFMG ahna mudane ka tirsan Xildhibaanada SoomaaliyaProf. Mohamed Abdi Xaji-Mohamed (Prof. Gaandi) ayaa daboolka ka qaaday isagoo u waramaya Idaacadaha Soomaalida ee dibada in kadib dilkii AUN Xildhibaanada  Saado Cali Warsame ay Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa aan u dhalan Beelaha Xamar ku habsaday bilaabeen in ay wax iska weydiiyaan kana doodaan Mustaqbalkooda iyo  caasimad Soomaaliyeed oo dhamaan umada Soomaaliyeed xor iyo nabad galyo utahay kunoolasheeda (Capital Cityn of Somalia)

Xidhibaan Prof. Gaandi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u bahaantahay goob dagan oo xasiloon oo lagooye caasimada Soomaaliya si howl wadeenada dowlada Federaalka iyo Baarlamaankaba ugu adeegaan umada Soomaaliyeed nabad galyo, xasilooni iyo xornimo.

Prof. Gaandi ayaa hoosta ka xariiqay in dilkii wuxushnimada haa ee loogeystay AUN Saado Cali u ahaa mid Siyaasadeed, isla markaana cadeyn u ah oo qofwalba ku baraarugo in magaalad Xamar ay tahay meesha aduunka ugu halista badan oo lagu dilay in ka badan 8-Xildhibaan iyo wasiiro dowladeed, sidaas daraadeedn laga maarmaan ay tahay in caasimada Soomaaliya loo raaro gobolada kale ee ka xasilooni iyo nabadgalyada badan, maadaama awalba ay horey carareen umdii caasimada ka dhigatay.

Prof. Gaandi ayaa sidoo kale shegeay in Gobolada kale ee Soomaaliya ay iminka ku nool yihiin qabaa’ilo kala duwan oo Soomaaliyeed, xasiloonidooda iyo nabadgalyadoodana ay aad u wanaagsantahay, umadana aysan kala xigin oo qolo walba nabadgalyada qeybteeda ka qaadaneyso, halka Muqdisho ay hal reer oo kaliya ku nool yihiin, nabadana ay iyagu col la yihiin.

Mohamed Abdi Xaji-Mohamed (Prof. Gaandi) ayaa asagoo ka jawaabay su’aasha ah in asaga iyo Danjire Cumar Cambdirashiid Cali Sharma’arke ay la heshiiyeen Madaxweyne Xasan Bunga Bunga ayaa sheegay in asaga xagiisa aysan wax heshiis ah jirin, isla markaana usan wax jago iyo xil ah ka dooneyniin dowlada Federaalka.

Halkan ka dhagayso

Xigasho: Allidamaale & Puntlandpost

 

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *