Dhageyso: Cabdinaasir Seeraar: PL & JL waxaa la gudboon inay aayahooda ka tashadaan

30 jun 2015 (Puntlandes) Afhayeenka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa wuxuu ka hadlay marxalada cusub ee galay dalka Soomaaliya iyo dagaalada ay dabada ka riixayso DFS ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo maamulka dastuurka aan waafaqsanayn ee lagu dhisayo magaalada Cadaado, kaasoo horseedidoono colaado sokeeya.

 Afhayeenka ayaa sheegay ineysan wax micno ah keeneyn hadalada kasoo yeeray gudoomiyaha Barlamaanka Xamar ee iska riyooday iyo Madaxweynahiisa.

Jawaari ayaa waxa uu ku caan baxay nacaybka Puntland iyo Jubbaland.

Dhinaca kale Afhayeenka Dowladda Jubbaland ayaa sheegay inay isku dayayaan  iyagoo kaashanaya dowladda Puntland in loo istaago qadiyada Soomaaliya si la isugu soo celiyo ummadda Soomaaliyeed ee k la irdhowday. waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhagayso Afhayeenka


Puntlandes.com

About The Author