Dhagayso: CabdiQeybdiid ”PL, waxay ahayd isqaadashada Goboladan inay ku farxaan”

164a

30 jun 2015 (Puntlandes) Cabdi Xasan Qeybdiid oo maanta ka hadlay waxa Puntland Shacabkeeda gigilay oo ah sheegashada dhulka Puntland laga sheeganayo Degmada Cadaado ayna Dastuurkooda ku qorteen ayaa si ku digasho ah u yiri: waxay ahayd isqaadashada Goboladan inay ku farxaan?  CabdiQeybdiid ayaa wuxuu ku hadlay hadaladii uu usoo dhiibay Xasan Sheekh ee ahaa marin habaabinta.

CabdiQeybdiid oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay diidmada ka timid Shacabka iyo dawlada Puntland ee ku aadana maamulka ay DFS ka dhisayso Cadaado iyo Fariimihii cuslaa ee ay u direen Madaxda dawladda Xamar.

CabdiQeybdiid ayaa yiri mar uu ka hadlayey diidmada Puntland ay diiday in dhulkeeda laga sheegto Cadaado ”waad arkayasaan qaylada ka yeeraysa dadkii deriska ahaa….waxay ahayd midnimada iyo isqaadashada ay Goboladan isqaateen inay soo dhaweeyaan”

CabdiQeybdiid wuxuu sheegay in ay nasiib daro tahay wax uu ugu yeeray ”Durbaan Colaadeed” oo dhanka Puntland laga garaacayo, mana uusan ka hadlin sheegashada uu sheegtay dhulka Puntland iyo Colaada ay DFS iyo isagu hurinayaan.

CabdiQeybdiid ayaa intaas ku daray inaysan u arkin dhibaato inuu maamulkoodu abuurayo sida Puntland ee ay u arkaan inuu keenayo wanaag, wadashaqayn iyo walaaltinimo. CabdiQeybdiid wanaaga ma wuxuu u yaqaanaa inuu nin dhulkiis sheegta oo wax ay Dastuur ugu yeereen ku qortaan? CabdiQeybdiid wax cusub ma oran ee wuxuu soo koobiyeeyey erayada Xasan Sheekh isticmaalo marka wax laga waydiiyo dhulka Puntland ee  ay doonayaan inay BOOBAAN.

CabdiQeybdiid si toos ah ugama uusan hadlin lahaanshaha Gobolka Mudug laakiin wuxuu si aan gabasho lahayn Puntland iyo shacabkeeda ugu eedeeyey inay ka xun yihiin ”Isqaadashada Goboladan” oo uu ula jeeday Mudug iyo Galgaduud. Soow taas lama oran karo JEES JEES iyo marinhabaabin uu ula jeedo cida dagaal doonka ah waa shacabka iyo dawlada Puntland.

CabdiQeybdiid iyo Xasan sheekh dhana Dastuurkii Soomaaliyi ku heshiisay ayey ku tunteen dhana Colaad hor leh ayey u horseedayaan Soomaaliya maxaa yeelay cid ka yeelaysaa ma jirto sheegashada Dhulka Puntland.

Dawladda Puntland iyo shacabkeedu Cadaado ma sheegan ee cida sheegatay dhulka Puntland waa CabdiQeybdiid iyo xasan Sheekh oo doonaya inay BOOBAAN  Gobolka Mudog oo qaybta ugu badan uu hos yimaado Puntland

Dhagayso CabdiQeybdiid


Puntlandes.com

 

About The Author