Dhagayso: (G Bari) Bannaanbaxyadii looga soo horjeeday madaxda DFS iyo shirka ay Cadaado ka wadaan oo ka sii socda PL

160

30 jun 2015 (Puntlandes) Bannaanbax balaaran oo looga soo horjeedo DFS ayaa ka dhacay Degmada Ufayn ee Gobolka Bari, bannaanbaxaas oo qayb ka ah Bannaanbaxyada ka socda Gobolada dalka Puntland oo ay dadweynuhu ku diidan yihiin Dastuurka ay jabiyeen Madaxda DFS iyo Colaada ay ka hurinayaan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo lidi ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Guddoomiye Baarlamanka Jawaari, waxaana dadweynuhu ay gubeen  Sawirka Jawaari.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Axmed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Puntland ay tahay goob marti galisay Soomaali oo dhan,waxaana dadka ay Puntland marti galisay ka mid ah dadka daga Gobolada Bay iyo Bakool oo nolol iyo Ganacsi wannaagsan ku haysta.

Wuxuu yiri Guddoomiye ku xigeenka mar uu la hadlayey jawaari ‘’Jawaariyow wax miyaadan kala aqoon,ma Xoolaa tahay,sababtoo ah waan kaa warhaynaa,waxaad tiri Jubbaland Baarlamankeeda waan kala eryaynaa,reer Puntland waxaad tiri Dhulkooda waan bixinayaa,waxaad tahay RRA,adeer Qabiilkaaga waad taqaan…Sawiradaada waan gubaynaa,waa dhuntay Taariikhdaada,annaguna kaa nixi mayno,Soomaaliya qiimo uma lihid’’

Waxaa xusid mudan in Bannaanbaxyo kan dhigiisa ah ay ka dhaceen degmooyin hoostaga Gobolka Bari oo ay ka mid tahay degmada Iskudhuban.

Shacabka reer Puntland ayaa si wayn uga caraysan Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay oo ay DFS jabisay isla markaasna ay wado qorshe ay colaad uga hurinayso Soomaaliya gaar ahaan dagaal ku wajahan Jubaland iyo Puntland.

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author