Muuqaal-sawirro: Wasiiru dowlaha Maaliyadda Puntland oo booqaday kastamka Furdada Bosaso

14 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamuud Sheikh Ciid oo safar shaqo u jooga magaalada Bosaso ayaa booqaday kastamka Furdada Bosaso.

Wasiirka waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Maamule Kuxigeenka Furdada Bosaso ee Wasaradda Maaliyadda iyo taliyaha Dekada Boosaaso waxana uu booqaday goobaha ay ka socdaan shaqooyinku iyo halka ay ka soco shaqooyinka balaarinta dekeda

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Wasiirka xog ka siiyey shaqooyinka kasocda, caqabadaha jira iyo heerka dakhligu maraayo.

Maxamuud shiikh Ciid Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari kula dardaarmay dardargalinta iyo kor uqaadida dakhliga.

About The Author