Qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe oo si caadi ah u shaqeynaysa

13 Apr 2024 (Puntlandes.com) Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe ayaa si caadi ah u shaqeynaysa kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay iney muddo todobaad ah lagu xiro qunsuliyadda Garowe taas oo ku ekayd 11kii bishaan.

Go’aanka dowladda federaalka ayaa waxaa qaadacay dawladda Puntland oo sheegaytay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqeyn doonin Puntland.

4tii bishaan ayaa waxaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka soo baxay go’aan ay dowladda ku sheegtay inay ilaalinayso madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Haddaba maxay tillaabo ah oo Dowladda Federaalka Somaliya qaadi doontaa madaama Puntland iyo
Itoobiya dhagaha ka furaysteen go’aankii ay soo saareen?

About The Author