Sawirro: Diyaarada Boeing 767-200 oo kasoo degtay garoonka diyaaradaha Bosaso

20 Apr 2024 (Puntlandes.com) Diyaaradaha Boeing 767-200 Cargo oo kamid ah diyaaradaha ugu weyn ee caalamka qaada xamuulka ayaa kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso, Taaso ay u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkada Astral Aviation Cargo oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya culayskeedun ayahay 80-ton ayaa ah markii ugu horeeysay kasoo degto Garoomada ku yaala Puntland.

Agaasimaha Waxda Duulista ee Wasaaradda Captan Maxamuud Xaaji Warsame ”Mooto” ayaa kusoo dhaweeyay diyaaradan Garoonka Magaalada Bosaaso, Isagoona sheegay ee Garronkan ay ka degi karaan Diyaaradaha waa weyn ee qaada Xamuulka iyo Rikaabka.

About The Author