Maxkamadda ciidamada oo baaraysa musuqa Raashinka ciidanka Danab

28 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Gaashaandhigga DFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay fadeexadda musuqmaasuq ee hareysay Raashinka iyo saadka ciidanka Dana bee uu taageero Maraykanku.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, isla markaana ay jirto in la leexday raashinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo uu qiray in loo iib geeyay suuqyada magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheregay in baarista musuqaas ay la wareegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayna socoto baaristu.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladd Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah. Fadeexadaan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahayna Dhul BOOB ay si aan la arkin u wadaan madaxda DFS, qoyskooda iyo saaxiibadood.

About The Author