Maxkamadda gobolka oo go’aan ka soosaartay kiiska Taliyaha Booliska garoonka Muqdisho

29 Apr 2024 (Puntlandes.com) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay go’aan kasoo saartay dacwadii loo haystay Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde G/dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dambi ku wayday taliyaha, iyadoo horey loogu soo eedeeyay in uu horyimid garsoorka, uuna diiday inuu joojiyo dhul lagu muransan yahay oo markaas la sheegay in sifo sharci darro ah looga dhisanayo xeyndaabka garoonka Aaddan Cade ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa diiday inuu fuliyo amar Maxkamadi ku joojisay in la dhisto Dhul ay mulkiyadiisa leeyahay shaqsi muwaadin, kaas oo madaxweyne Xasan Sheekh uu u qaybiyey dhulkaas saaxiibadiisii Xildhibaanadii kala shaeeyey dastuur badelidii.

Waxaa la rumaysan yahay inuu madaxweyne xasan soo farogeliyey Maxkamadda go´aankeeda.

About The Author