Sawirro: Dhaamkii Duleedka magaalada Caynaba oo Fashilmay

05 May 2024 (Puntlandes.com) Waxaa Fashilmay Biyo-xireen ama Dhaam wayn oo laga sameeyey Duleedka magaalada Caynaba ee maamulka Somaliland.

Dhaamkaan ayaa waxaa sameeyey Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo la sameeyey sanadii 2022kii.

Deegaanada degmada Caynaba ayaa waxaa ka Da´ay raxmaadka Eebe iyadoo aysan jirin Biyo Gala Dhaamka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka degmada Caynaba Sanadkii 2017kii waxaa uu Codka ku dhaafsaday Balanqaadyadaan Ceelbiyood Loo Qodi Doono, Darajada Caynaba Oo Laga Bedeli Doono iyo Garoonka Kubada Cagta Oo La Dhisi Doono, waana fashilmaan dhamaantood.

About The Author