Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, maxay ka wada hadleen

05 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Beesha Caalamka ataa ka dhabaysay balanqaadkeedii ahaa in Puntland loo fasaxayo qoondada ay ku lahayd Mashaariicda horumarineed.

Madaxa UNDP oo la soo mariyo qayb lixaad leh oo ka mid ah Mashaariicda iyo dhaqaalaheeda, Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada ay ka wada hadleen arintaas.

Shalay ayaa waxaa dhankooda Garowe gaaray wafdi uu hogaaminayo safiirka UK ee Soomaaliya isagoo sheegay inay toos ula macaamiilayaan Puntland.

Villa Somaliya ayaa waxay Siyaasadaysay Mashaariicda horumarineed ee caalamku ugu deeqo Somaliya, kuwaasoo nidaam ahaan ay Saxiix ku leedahay .

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa ka hor timid Siyaasadayntaas, waxaana toos loogu amray in Mashaariicda la fasaxo.

Heshiiskii ay hada ay hoos yimaadaan Mashaariicda intooda badan, wuxuu dhacayaa 2026 waxayna u badan tahay in Puntland qoondadeeda si toos ah u hesho.

About The Author