Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO)

06 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Dowladda Puntland iyo FAO iyo mashaariicda Hay’adda FAO kala shaqeyso Hay’adaha Dowladda sida horumarinta Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Biyaha, illaalinta deegaanka, isbedelka Cimilada iyo qodobo kale.

About The Author