Puntland oo beesha Caalamka waydiisatey kaalmo ciidan si ay uciribtirto Argagixidsada Daacsh & Alshabaab

22 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland oo Warsaxaafadeedka soo saartay ayaa beesha Caalamka waydiisatey kaalmo ciidan si ay u ciribtirto Argagixidsada Daacsh iyo Alshabaab oo dawladda Puntland dagaal kula jirto.
Warsaxaafadeedka Puntlad, ayaa lagu sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo hawlgalka ATMIS ay Puntland ka go’doomiyeen taageerada beesha Caalamku ugu talagashay la dagaalanka Kooxaha Argagixidsada ee Soomaaliya ka hawlgala.
