Muuqaal: Madax-dhaqameedka Somaliland oo aqbalay dhexdhexaadintii Garaad Kulmiye ee Somaliland iyo SSC-khaatumo

23 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madax-dhaqameedka Somaliland iyo guddiga Nabadda ee Madaxweynaha Somalilad Cabdiraxmaan Cirro magacaanbay ayaa kulan ay la yeesheen Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal oo ka mid ah madaxda Dhaqanka DDS ayey ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin in nabad la dhex-dhigo Somaliland iyo SSC-khaatumo.

Madax-dhaqameedka Dowlad Deegaanka Soonaalida oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Doolaal Garaad Wiilwaal oo ka codsaday Caleemasaarkiisii Madaxweyne Cirro inay dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Khaatumo ayaa ku qanciyey Isimada Khaatumo inay nabad qaataan iyagoo Laascaanood markuu tagay aqbalay.

Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal oo Madax-dhaqammeedka Somaliland Hargeysa kula hadlaya ayaa yiri “Walaalihiina reer Laascanood Nabad bay idinla jecel yihiin, way idiin hiloobeen; Nabad bay noo dhiibeen sida aad idinkuba noola qaadateen nabadda..”

“Aroos, ganacsi iyo badbaadada wiilasha Soomaaliyeed ayey qaateen Somaliland iyo Khaatumo”

About The Author