Xildhibaanadii laga xanibay Golaga Shacabka oo dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha

03 May 2025 (Puntlandes.com) Warqad kasoo baxday xafiiska kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha ka dib markii dhowaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa 30kii AApril xildhibaano oo ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, isagoo sidoo kale Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday in uu talo bixin iyo tallaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahaan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.
Tallaabada Aadan Madoobe qaaaday ayaa ah mid lagu burburinayo Xildhibaanada mucaaradka ku ah maamulka Xasan Sheekh, iyadoo xildhibaanadu ay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa ka hor imaanshihii in sifo sharcidaro ah Xasaanadda looga xayuubiyo Xildhibaan Abiib oo uu madaxweynuhu doonayey inuu Golaha ka saaro.

