Sawiro: Suldaan Cabdi-qani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale oo Norway lugu soo dhaweeyay

Magaaladda  Oslo ee dalka  Norway” ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey  Suldaan CabdiQani Suldaan Xasan  Suldaan  Xaaji Cali Baale, wuxuuna halkaas kula kulmay  jaaliyadda  Soomaaliyeed  ee dalka Norway,  gaar ahaan jaaliyadda  Puntland “  munaasab  aad loosoo aggaasimay  ayana soo aggasimeen  Jaaliyadda  Puntland ee Norway, ayaa halkaas   loogu qabtay    Suldaan Cabdiqani Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baalle. Oo bookhasho  ku maraya  Qarada  Yurub.

Kulan kaan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Puntland ee Norway, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u kala duwan oo isugu jira qaybaha bulshad sida, siyaasiyiin odayaal, Ganacsato iyo waxgarad   waxaa  kale  oo ka soo qayb  galay  munaasabadii lagu soo dhawaynayey  Suldaan cabdiqani  Xildhibaano laga soo  doorto gollaha deegaanka ee Oslo,  Xildhibaan  Cabdirisaaq  Cali Sanwayne  iyo Xildhibaan  Baashi Muuse,

Shirka ayaa waxaa soo xiray Suldaan C/Qani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baalle, oo safar ugu socday waddamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika,wuxuuna bulshada ugu baaqay wada jir, isaga oo halkaasna ugu duceeyay dadka Soomaaliyeed Suldaan CabdiQani, ayaa ka soo kictimay Magaallada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.   Wuxuuna  sáfaro ku soo maray  waddamo badan oo  Africa iyo Qarada  Yurub isku jira..

Daawo sawiro

52b

52b1

52b2

52b3

52b4

52b5

C/nuur Faarax Maxamuud

About The Author