Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland oo Hambalyo iyo Bogaadin u Diray Madaxweynaha Jubaland State

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cismaan Gurxan ayaa Bogaadiyay sida Midnimada iyo isjacaylka Walaalnimo leh ee ay Shacabweynaha reer Jubaland  ugu muujiyeen Codkooda iyo Rabitaankooda Doorashadii shalay dhacday kuna doorteen Madaxweynaha Dastuuriga ah Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaan (Sheekh Axmed Shaboobe).

Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Madaxweynaha Jubaland in uu shacabkiisa ku hago nidaam maamul Cadaaladeed xaqsoora oo u horseeda shacabweynaha Jubaland state Midnimo,Horumar.isjacayl walaalnimo,Iskaashi,nabadgalyo iyo Kobac dhaqan dhaqaale oo ay ku hilmaamaan Diiftii ay mudooyinka badan ku soo jireen,sidoo kalana sii laban laabo halgankii loogu jiray ka Tirtirida Alshabaab dhamaanba Jubooyinka .

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Aqoonyahan Deeq Cismaan Gurxan   ayaa mar labaad hambalyeeyay Natiijadii Doorahada Madaxweynaha ee ay Shacabweynaha Jubooyinka ku muujiyeen Codkooda Doorashada Madaxweynaha Jubaland State,islamarkaana kula dardaarmay Jubaland State in ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan dhamaystirka hawlaha qabyada ah.

 

Gudoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan mashaariic iyo wafdi ka socda Finland geyndoono Jubaland iyo ugu baaqay jaaliyada in ay gacmaha isqabsadaan meelna ay ugu soo wada jeestaan sidii wax loogu qaban lahaa jubooyinka.

 

Jubland.Finland6

Jubland.Finland3

About The Author