FAALO-Daawo Video: Guddiga dhaqaalaha G. Mudug oo Ganacsatada ugu baaqay inay Canshuurta bariga bixiyaan taasoo u GAADAYARE Cunayo

30 Agoosto 2015 (Puntlandes) Wax lagu Qoslo ayaa ka taagan Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo iyadoo maanta ay, Guddiga dhaqaalaha ee Gobalka Mudug ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS, soo saareen go’aamo ay ku amrayaan Ganacsatada Gobolka inay Kordhiyaan bixinta Canshuuraha Bariga.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”timirtii horeba dab loo waa” oo macneheedu kusoo koomayo ”Bal adigu tii hire meel ku sheeg?”, hadaba waxaa shacabka samaha jecel ee Gobolka Mudug ku dhacay ”la mood noqonse waa” oo meeshay GAAS ka sugayeen inuu shacabka ka hor dhaqaajiyo Kooxda uu GAADAYARE hogaansho oo sidii GAFANIHII ku mabay Boobka hantida ummadda Gobolka Mudug ka dhaxaysa ayuu wuxuu keenay ha loo kordhiyo waa ku yar tahaye Lacagta ay nimankani Boobaan.

63b
Madaxweynaha Mudug GAADAYARE;madaxweyne GAAS & Wasiir CALI C/LAHI WARSAME

Guddiga uu GAAS magacaabay ee uu madaxda u yahay Wasiirka Deegaanka Cali Cabdilaahi Warsame oo runtii ah Wasiir aad qaali u ah marnaba lagama sugayn inay lasoo shirtagaan in reer Mudug ay lacagta ay Boobaan Kooxda GAADAYARE uu yiraahdo ha loo kordhiyo waa ku yar tahaye!!!CAJIIB Wasiir see kaa noqotay?

Guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay qiimayn iyo dadaal dheer oo dhanka wax ka badalka dhaqaalaha Gobalka ay usoo baxday in la dardargaliyo kicinta canshuuraha barig.

Hor tii hore meel ku sheega?

Waa wax aad u fiican in Dakhliga dawladda ee Gobolka Mudug la kordhiyaa laakiin yaa horeeya in tii hore meel lagu sheego iyo in laga hadlo in Canshuur ama lacagta ay BOOBAAN KOOXDA GAADAYARE loo kordhiyo?

Waxaa taas kaba sii daran Wasiir Cali Cabdilaahi Warsame oo sheegay inay muhiim tahay inay shacabku u hogaansamaan bixinta canshuuraha. Oom a waxay Shacabku u hogaansamaan inay sii socoto BOOBKA lagu hayo oo ayba kasii daran tahay u kordhiya!!!!!

Waxaa kaloo Wasiirku uu ugu baaqay shirkadaha Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo inay bixiyaan canshuuraha ku waajibay. SOOW Wasiirku ma oga inuu DHAGAWAYNE oo ah ninka labaad ee Kooxda GAADAYARE uu cunayey Dhaqaalaha Garoonka Diyaardaha Abdulahi Yusuf Airport kasoo xarooda tan iyo 1991kii.

Waxaa xaqiiqo ah in Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo ay Shacabka  ku nool baxshaan dhaqaaale aad u fara badan laakiin waxaa wax laga naxo ah in ay ku tagri falaan KOOXDA uu Hogaamiyo GAADAYARE oo ku magacaaban tan iyo 1999kii Xisaabiyaha Wasaaradda Maaaliyadda ee Gobolka Mudug laakiin ah di facto ninka ka taliya Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa, ahna madaxweynaha Gobolka Mudug.

DHAGAWEYNE oo ah ninka labaad ee Kooxda GAADAYARE waxa uu ku magacaaban yahay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo tan iyo 1991dii waana di facto ninka labaad ee ugu awooda badan Gobolka, ama Raysul wasaaraha Gobolka Mudug.

Waxaana hubanti ah inayba xataa GAAS ka awood badan yihiin KOOXDANI maadama uu lasoo shir tagay GAAS in loo kordhiyo lacagta ay ummadda Mudug nimankani ka BOOBAAN ee loogu yeero Canshuur.

Daawo Guddiga GAAS

Puntlandes.com

About The Author