Daawo Video-dhamaystiran: Musharax Eng. Cumar Sadiiq oo dawladda PL ku eedeeyey inay Farogelisay Doorashada Duqa Bosaso ee Beri dhacaysa

29 Sep 2015 (Puntlandes) Eng. Cumar Cabdulaahi Cusmaan (Sadiiq) oo kamida ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada Duqa Bosaso  oo maalinta bari la qorsheeyey in ay ka dhacdo Magaalada Bosaso ayaa ku tilmaamay mid aan  ahayn xalaal.

91c

Eng. Cumara wuxuu caddeeyey inuu dhaliilsan yahay sida loo soo xulay Xubnaha Cusub ee golaha deegaanka Bosaso osagoo sheegay in Xukuumadda Puntland ay faragalin ku lahayd  soo xulida Xubnaha cusub ee Gollaha Deegaanka Bosaso oo aan loo madax banaanayn odayaasha beelaha

“ Doorashadaas ma aha mid xalaal ah,mid xaq ku fadhida, Mid dastuur ku fadhida, sida loo soo xulay xildhibaanada Gollaha Deegaanka Bosaso ma ahayn mid waafaqsan sharciga,dowladu gacanta ayay la soo gashay, oo xubno badan ayay ku soo darsatay” ayuu yiri

Eng. Cumar Sadiiq ayaa ku hanjabay inuu qaadici dono ka qayb galka Doorashada haddii aan wax laga qaban isdaba marinta lagu sameeyey Gollaha Deegaanka Bosaso.

Daawo Shirkii jaraa’id

About The Author