War saxaafadeed Shirkii Qurbajoogta Puntland ee Lagu qabtay Helsinki Finland

Bismilahi Rahmani Raxim

Shalay  oo ay taariikhdu tahay 28-kii September waxaa lugu soo gabagabeeyay magaalada Helsinki ee dalka Finland shirwaynihii 1baad ee Qurba joogta Puntland ee Europe, kaasoo socday 25-29 September ayna ka soo qayb galeen 10 dal oo Europe ah  “Sweden, Norway, Denmark, Holland,Germany, Switzerland, Austria, UK, Ireland & Finland iyo xeeldheerayaal badan oo aan iyagu matalaynin ururo.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay shirka masuuliyiin ka socota dawlada Puntland sida safiirka Puntland ee dalalka Scandinavia-ka Dr Maxamed Ismaciil Baydhabo oo isagu furay shirka, xaga masuuliyiin kalana ay ugasoo qayb galeen dhanka khadka taleefoonka sida 1) Madaxwaynaha dowlada Puntland Dr C/wali maxamad Cali Gaas, 2) Raysalwasaarihii hore ee Somalia Pro.Ali Maxamed Geed, Wasiiru dowlaha duulista hawada Ugaas  C/qani Geele, Afhayeenka dawlada (C/laahi Maxamad Jaamac “quraan jecel”), iyo kuwo kale.

Shirka oo ay ka muuqatay  agaasinkiisa hab cusub oo casri ah, lagana soo jeediyay aragtiyo, cilmi baarisyo iyo doodo kala duwan ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday baahida loo qabo in la midoobo,  maskaxda iyo muruqana laysu geeyo si ay u sahlanaato in ururada/jaalidayaha Puntland ee Europe la mideeyo lana tayeeyo si wax qabad muuqda looga gaysto gudaha Europe kadibna loogu gudbo dalkii hooyo ee Somalia si guud iyo Puntland si gaar ah.

Gabagabdii shirkaas ayaa waxaa lagu dhisay dalad ay ku midaysanyihiin ururada Puntland ee Europe. Daladdaas oo loogu magac daray “Daladda Qurbajoogta Puntland ee Europe” (PEDAN), waxaana lagu doortay halkaas, golaha guud iyo golaha fulinta ee daladdu yeelanayso, sidoo kale waxaa loo doortay gudoomiyaha guud ee golaha fulinta ee daladda Maxamad Cabdille Faarax (Maxamad Mosul) oo ka socday ururka UDUG Association of Ireland.

Hadaba, gunaanadkii shirka ayaa ka qayb galayaashu waxay soo saareen qodobadaan soo socda.

  1. Daladda PEDAN waxay si qoto dheer ugu mahad celinaysaa daladda qurbajoogta Puntland ee Finland oo iyadu martigalisay shirkaan iyo marti sharaftii qiimaha badnayd ee dalalka kala duwan uga kala timid.
  2. Dalladu waxay ugacan haadinaysaa ururkasta ee reer Puntland ee aan joogin shirkan aas aaska ah ee maanta inay kusoo biiraan Daladda.
  3. Dalladu waxay taageeraysaa hurumarka iyo wax qabadka ka socda gudaha Puntland
  4. Daladdu waxay soo dhawaynaysaa fikir kasta oo u sababi kara daladda inay horumarto, sidoo kale waxay daladdu ugacan haadinaysaa shakhsiyaadka wax ku oolka u’ah daladda iyo bulshada ku nool europe ee jecel inay wax ku biiriyaan midaynta iyo horumarinta qurbajoogta Europe ee Puntland.
  5. Daladdu waxay ugu yeeraysaa qurba joogta Puntland ee qaaradaha kale inay iyana u midoobaan sida ay u midoobeen ururada Puntland ee Europe
  6. Daladdu waxay ugu baqaysaa qurba joogta kale ee Soomaaliyeed inay iyaguna u midoobaan sida ay u midoobeen qurbajoogta Puntalnd ee Europe, si loo helo midnimo Soomaaliyeed.

94

94a 94b 94c

Dallada qurba joobta Europe ee Puntland

28 Sep. 15 – Helsinki- Finland

About The Author