Odoyaasha Dhaqanka oo Bayaan adag ka soo saaray Isdamarinta ay sheegeen in ay ka dhacay Xulida Xubnaha Gollaha Degaanka Bosaso

29 Sep 2015 (Puntlandes) Nabadoonada iyo odoyaasha Degmadda Bosaso ayaa bayaan adag ka soo saaray isdabamarin lagu sameeyay xulista gollaha degaanka ee degmada bosaso, waxayna ku eedeeyeen Guddiga xulida xubnaha gollaha degaanka, inay ku xadgudbeen sharciga L7 ee dhismayaasha gollayaasha degaanka oo la soo saaray 2004.

Kullan ballaaran oo ka dhacay Hoolka shirarka ee Hotel Gacayte oo ay ka qaybgaleen Nabadoono, Cuqaal, Ganacsato can ah oo uu ka mid ah Xaaji Xuseen Gacayte, Culuma’udiin iyo Haween ayaa kaga hadleen qaabka loo soo xulay Xubnaha gollah degaanka, waxayna sheegeen in  xubnihii ay nabadoonadu soo xuleen lagu bedelay xubno kale oo guddigu ay wateen

Nabadoonadu waxay sheegeen in isdabamarinta lagu sameeyay xubnaha gollaha degaanka uu ahaa ku talagal, ay guddiga uu madaxda uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Karaash uu ka dambeeyay, waxayna ka digeen cawaaqib xumadda ka dhalan karta.

Nabadoonadi iyo ganacsatadii Madasha ka hadashay waxaa ka mid ah Xaaji Xuseen gacayte  iyo nabadoono kale oo uu ka mid ah Cabdi faarax Cilmi iyo Nabadoono Xuseen Jaamac Aadan, Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Odoyaal magac weyn ku leh bulshadda Bosaso.

IMG_2784

Caaqil cabdi faarax cilmi  oo ka hadlay kulanka ayaa masiibo ku tilmaamay isdabamarintii lagu sameeyay Xubnaha gollah degaanka, taasi oo  dhaawici karta midnimadii iyo Kalsoonidii umadda reer bosaso u dhaxaysay.

“Madaxweyne, Guddoomiye barlanaa, cidii cadaalad u ah ehel waxaan u gudbinaynaa  wixii dhacay inay ahaayeen nasiib darro” ayuu yiri Caaqil cabdifaarax

Nabadoon Xuseen Jaamac Aadan  oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in beeshiisa la duudsiiyay xaqii ay u lahayd inay soo xulato xildhibaanka uga qaybgalay gollaha degaanka bosaso, waxaana uu ku eedeeyay guddiga xulista xildhibaanada ee Dowladda inay ku takrifaleen xubintoodii.

“ annagu waxaanu soo gudbinay Maxamuud muuse Aadan inuu xubin ka noqda gollaha, waxaa soo gudbiyay nabadoonka guud oo anniga ah, waxaana dadweynaha u sheegaynaa in la caadaystay in lagu takrifalo xubintayada, waxaanuna codsanaynaa in lanag daayo takrifalka” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud

IMG_2781

Waxaa kaloo kulanka  ka hadlay Xaaji Gacayte waxaa uu sheegay in intii badnayd Odoyaashii, Cuqaashii, Waxgaradkii iyo Nabadoonadii beelaha gobolka bari ay  ka soo qaybgaleen Kulanka, kuwasoo ka dhiidhiyay isdabarinta iyo cadaalada darada lagu sameeyay xulista xubnaha gollaha degaanka Bosaso.

Xaaji xuseen gacayte waxaa kaloo uu sheegay in dhammaan dadka isugu yimid kulanka ay yihii odoyaashii sida joogtada uga shaqayn jiray  Nabada iyo Xasiloonida degmadda, haddana ay diyaar u yihiin inay ka soo shaqeeyeen.

Gabagabadii, Dhammaan Nabadoonadii, Cuqaashii, Ganacsatadda, Culimadii iyo Haweenkii ka hadlay kulanka waxay ugu Baaqeen Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xasan shire iyo Xubnaha kale Dowladda in  dib loo dhigelo doorashada Duqa Bosaso, islamarkaana la bedelo Guddiga xalinta khilaafaadka iyo Xulista Gollaha degaanka Bosaso, kuwasoo ay ku eedeeyeeen inay cadaalada darro sameeyeen, ayna isdabamariyeen xubnihii saxda ahaa ee beeluhu soo xuleen, oo ay ku bedeleen xubno ay iyagu wateen.

Guddiga Xulista xildhibaanada gollaha degaanka bosaso waxaa uu ka kooban yahay toddobo xubnood, waxaana guddoomiyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Dowladda hoose Axmed Karaasha, waxaa kaloo xubno ka ah  Wasiirka Amniga puntland Cabdi xirsi Qarjab iyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Maxamed Wacays Dhaddo.

Guddigan ayaa 28 bishan September waxay soo saareen 29 Xubnood oo ay sheegeen inay yihiin xubnihii beeluhu u soo gudbiyeen, hase yeeshee Nabadoonadda iyo Odoyaasha beelaha qaarkood ayaa sheegay in xubnihii ay u gudbiyeen guddiga la diiday oo xubno kale oo guddigu wateen lagu bedelay.IMG_2784 IMG_2798 IMG_2799 IMG_2804 IMG_2811 IMG_2823 IMG_2844 IMG_2856 IMG_2876 IMG_2890 IMG_2899 IMG_2909 IMG_2925

 

IMG_2769 IMG_2771 IMG_2773 IMG_2781 IMG_2790 IMG_2795 IMG_2797 IMG_2799 IMG_2801 IMG_2802 IMG_2810 IMG_2816 IMG_2817 IMG_2818 IMG_2823 IMG_2830 IMG_2831 IMG_2844 IMG_2856 IMG_2864 IMG_2873 IMG_2874 IMG_2880 IMG_2886 IMG_2890 IMG_2895 IMG_2897 IMG_2906 IMG_2909 IMG_2918 IMG_2919 IMG_2920 IMG_2922 IMG_2924

Xigasho: Puntlandpost.com

 

About The Author