Kalsoonida uu Xassan Shiikh abuurayaa, ma waraabe hilbo lagu aaminayaa?.

13 Okt 2015 (Puntlandes)  Waxaan mar aan maanta dhegeysanayey Khudbad uu Xassan Shiik, ka jeediyey gole loogu magac daray 88 ii soo baxday, sida uu xaqiiqda uga raad gadanayo. Iyo sida uusanba u ogeyn in ay dhamaatay wakhtigii, hadalka macaan ee aan dhabta ahayn laga dhegeysan jiray, halkan ka daawo-dhagayso.

Soomaalidu waxay tiraahdaa nin aad taqaan, yaatahay lama yiraahdee, wuxuu ka hadlay wax badan oo hadii uu isagu intii uu xukunka hayey (3 sano) fulinlahaa, ama la arki lahaa in uu dhinaceeda u socdo wax badan ay saxmi lahaayeen.

Xassan Shiikh isaga oo raba in uu ku beer laxawsado Soomaalida ayuu wuxuu tusaale iyo isbarbar dhig u soo qaatay in Xukuumaddiisu ay ka gedisantahay tii ay dadku ku barteen caddaalad xumida iyo nidaam la´aanta ayuu wuxuu yiri sidatan.

“Soomaalidaa waxay tiraahdaa, nin baa beri indho beelay. Xilliga uu indhaha beelayey, waxaa wax uu arko, ugu denbeysey Bakayle. Taasi waxay keentay in ninku wax kasta oo loo sheego uu Bakaylihii matelaad ka dhigto. Wuxuu isaga oo hadalkiisii sii wata yiri. Hadii markab loo sheego wuxuu ninkaani ku waydiin BAKAYLE INTEE KA LE´EG YAHAY?”

Xassan Shiikh tusaalahaas wuxuu u soo qaatay in uu muujiyo sida uu uga fiican yahay Maxamed Siyaad Barre, asagoo taas muujinaya wuxuu yiri  “Soomaalidu waxay arkeen xukunkii Maxamed Siyaad Barre oo dadka Baraagaha ka gubi jirey, oo dadka la iska xir xiri jirey, iyaga oon maxkamad la soo taagin. Marka arrintaasi waxay abuuraysaa in ay dhib badan tahay in la soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, illeen waxaa u muuqda dawladdaas xune!!!”

Haddaba is weydii, meesha ay iskaga egyihiin Kalsoonida Xassan Shiikh doonayo in uu abuuro iyo tan Dhurwaaga doonaya in hilbo lagu aamino.

Waxaynu la wada soconey in Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Cabdulaahi Xirsi oo ahaa agaasimaha Idaacadda Universal ee Bariga Africa loogu xiray  si sharciga ka baxsan  Xamar 3 Oct. 2015. Xaruntii Idaacaduna ay weli xirantahay.

Xariga iyo Xiridda idaacadda, markii la eegay oo ummadda Soomaaliyeed oo dhami falanqaysay waxaa la isla qiray in uu ahaa DULMI IYO XAQDARO, iyo waliba see u cabiri kartaa aragtidaada, walow aysan iyaga ahayn kuwa cabirayey aragtidooda ee ay ahaayeen “Xildhibaano qaran”

Ogow akhristoow in uu Xassan Shiikh ku eedeyeey arrintaas ah in ummadda la iska xiran jirey xilligii AUN Maxamed Siyaad, isagoo dusha u saaray marxuumka abuuridda kalsooni darrida Soomaalida haysata.

Sida gardarradaa ee marxuumka eedda loo saaray, iyadoo dhibka Soomali maanta haysta ay ka midyihiin, musuq maasuqa, boobka hantida dadweynaha iyo ku takrifalida awoodda, taas oo uu ku eedaysan hayay Xassan Shiikh, waxay ka dhigan tahay, Hashu, iyadaa Geela cunaysa iyadaana cabaadaysa.  Anigu waxaan dhihi lahaa, Xassanoow Fallaari gilgilasho kaagama baxdee, hadii aadan hore u ogeyn, Ficilkaad samaysay mudadii aad xilka haysay weeye Waxay Soomaaliyi isugu imaan la´dahay ee waxba Marxuumka ha eersan.

Hadalkaagu wuxuu socon lahaa haddaadan fursad heli lahayn, laakiin waxaad muujisay in uu isagu i qarso yahay.

Bal qiyaasa, waxa uu samayn lahaa, Xassan Shiikhan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed raba, hadduu haysan lahaa awooddii Maxamed  Siyaad Bare AUN ?

Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan “Abkey Dooli diloow Dad nool maas u daahaa”

Waxaynu la wada soconaa inay, in ka badan 90 Xildhibaan ku eedeeyeen, dunuub  farabadan oo  ay ka mid yihiin Khiyaano Qaran. Dunuubtaas oo ilaa shalay war baahintu ka hadleysey qaabka lagu xalinayo, Xeer jajab, Maxkamad, Cod iwm.

Baraago gubidood ma u daahi lahaa?

Wareerka Soomaaliyi ku jirto, innagaa gacmaheena ku samaysanay oo waatuu Illaah yiri (maa asaaba min musiibatin Illaa bimaa kasabat eydiikum), kana bixi mayno inta aynaan la xisaabtamayn kuwa u dhaqma sida waraabe Ari galay, marka xukunka loo dhiibo iyo weliba inta aynu ku taageereyno kuwaas hab qabiil.

Hadda ogow in ay iyaguna  sida Xassan Shiikh, masuuliyada waxa khaldan qolo kale ugu xawilayaan. Iyagoo awood loosiiyey in ay iyagu wax saxaan. Maxamed Siyaad, Ethiopia, Kenya, Puntland, Soomaaliland, Axmed Madoobe. Qaramada Middobey iwm.

26c

 

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

 

About The Author