Dhagayso: Taliyaha Booliiska ee Qaybta Gobolka Bari oo hadalo gef ah ku hadlay

14 okt 2015 (Puntlandes)  Taliyaha qaybta Gobolka Bari Col. Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo Saxaafada  la hadlay shalay ayaa sheegay inay tageen iskuulka Al Najax oo ay dhiganayeen Arday lagu soo eedeeyay amni xumo, wuxu una ku eedeeyey taliyuhu in maamulka Iskuulka ay diideen in dhalinyarada ay kaxaystaan Booliisku.

104b

Taliyaha ayaa sheegay in maamulkii Iskuulka iyo Ardaydii fowdada dhigtay  ay Ciidanka Boolisku xireen. Taliyaha qaybta gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay inay iskuulka Al-najax albaabada isugu laabeen. Yaa u siiyey AWOODAA Taliyaha? Soow in Sharci shaqeeyo maaha?

Taliyaha qaybta  Gobolka Bari Col. Cabdixakiin uu  u GAFAY  xilka uu hayo iyo cidii magacawday isagaba, maxaa yeelay ruuxa mas’uulka ah waa inuu ka fiirsadaa weeraha uu isticmaalayo.

Ma qumanayn Qaynuuniyan iyo maamul ahaanba erayadii uu isticmaalayey Taliyuhu waxaana ka mid ahaa erayadii Taliyaha ”aysan ahayn ummad XALAAL ku dhalatay, oo xalaal lagu koriyey”
Dhagayso hadaladii Taliye Cabdixakiin


Puntlandes.com

About The Author