Daawo Video: Qardho oo BAAQ lagu diidan yahay Doorashadii Duqa Bosaso kasoo baxay

14 okt 2015 (Puntlandes)  Maanta ayaa waxaa ka dhacay magaalada Qardho Shir ay kasoo qayb galeen waxgaradka Shacabka Deegaankaas kaasoo lagu diiday, Sharci darana lagu tilmaamay Doorashadii Duqa Bosaso.

Shirkaas ayaa lagu sheegay inay Tixraacayaan Sirkii ay 13 Beelood oo iyagoo Qaadacay Doorashadii loogu Doortay Duqa Bosaso Injineer Yaasiin Cumar Maxamuud

Waxa Shirka kasoo baxay baaqan hoos ku xusan:

  1. In nabadgalyada iyo Xasiloonida Puntland la ilaaliyo
  2. In lagu dhaqmo sharciga iyo dastuurka qofwalbana uu ku dhaqmo
  3. In doorashadii ka dhacday degmada Boosaaso ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn islamarkaana dadka deegaanka aysan aqoonsanayn
  4. Anagoo tixraacayna shirkii Jaraa’id ee ay qabteen 13 beelood oo ah beelaha dega deegaanka Boosaaso iyo mid kamid ah musharixiintii u tartamaysay golaha deegaanka degmada Boosaaso 27/9/2015 waxaa baaq loo dirayaa maxkamada Sare ee Dowlada Puntland ee hada dacwadaa la taalo inay si sharciga waafaqsan arinkaa wax uga qabato.
  5. Waxaa baaq loo dirayaa dhibaatadii ka dhacday kuna dhexmartay beelaha walaalaha ee Deegaanada Magacley iyo
    Qoriley iyagoo marwalbana ku baaqay in nabada iyo xasiloonida la ilaaliyo islamarkaana la joojiyo shidada iyo fitnada miiska wadahadalkana ay isugu yimaadaan beelaha


Puntlandes.com

About The Author