Daawo Video-dhamaystiran: Kulankii Copenhagen Denmark ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya (Wariye Farah Yassin Osman)

15 Okt 2015 (Puntlandes) Kulankii Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya Magaalada Copenhagen ee Caasimada dalka Denmark ayaa waxaa ka dhacay 10 10 2015 kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen wafuud ka kala socday Puntland, Somaliland iyo DFS. Daawo kulanka oo uu diyaariyey Wariye Farah Yassin Osman.

106b

Wafdiga ka socday Puntland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Puntland Cabwali Xirsi Cabdulle Indhoguran, wuxuuna warbixin dheer ka baxshay wadamadii uusoo maray iyo Shirkadihii uu kula kulmay isagoo kala hadlayey sidii ay Puntland u Maalgashan lahaayeen.

Indhoguran ayaa sheegay inay Puntland ay mudan tahay in maalgashi lagu sameeyo, si taasi u hirgasho ayuu sheegay inuu safar kasoo bilaabay magaalada Addis Abeba isagoo kula kulmay Hay’ado iyo Shirkado u badan Shiinays.

106a

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu Heshiis kula soo saxiixday Addis Abeba Shirkad Itoobiyaan ah oo Duulimaadyo ka bilaabi doonta caasimada Garowe wiigii sadex goor iyo shirkad Shiinays ah oo aanu ku heshiinay inay Puntland timaado si ay uga hirgeliso Warshad wayn oo Sibirka. Wasiirku wuxuu Sheegay inuu Yurub ka tagay wadamada Holland, Sweden iyo Denmark oo uu iminka joogo. Dhamaan wadamadaas ayuu Wasiirku kala hadlayey sidii loo maaligashan lahaa Puntland isagoo kala kulmay madax kala duwam.

Wasiirka ayaa sii aadi doona Wadamada kala ah Norway, Finland iyo Ingiriiska oo uu kala hadli doono sidii loo maalgashan lahaa Puntland.


Puntlandes.com

About The Author