Qurba-joogta Puntland ee Finland oo u soo dhamaaday shirkii Struga ee Wadanka Macedonia

15 Okt 2015 (Puntlandes) Waxaa Dalada qurbajoogta Puntland ee Finland u soo dhamaaday  shirkii ku  saabsanaa saxaafada iyo dhalinyarada sidey ugu faa’iideysan lahaayeen isticmaalka Internetka dhankiisa wanaagsan, sida aalaadka waxbarashada, macluumaadka ogaanshaha dunida macluumaadkeeda, kagana fogaadaam  u isticmaalka dhanka xun.

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland  Mudane Cabdifatax Jannaggale ayaa ka mid ahaa dadkii ka  bixiyey casharo ku saabsan tahriibka  iyo soo galootiga wuxuuna wadamada yurub ee kasoo qeybgalay shirka u sheegay iney soo dhaweeyaan qaxootiga .

Dalada qurba-joogta Puntland oo uu Hogaaminayey wakiilka  Cabdifataax Jannaggale ayaa sidoo kale wuxuu la shiray Wadamada Greece, Macadonia asigoo matalaya Finland, ineey wada qorsheeyaan fulinta mashruuc looga hortagayo Tahriibka dhalinyarada ka imaanaya Africa, gaar ahaan Soomaaliya.

Sedexdaa wadan baa goįan ku gaaray ineey si wada jir ah u wada dalbadaan mashruuc sedex sanadood soconaya oo ku saabsan wacyigelinta dhalinyarada Soomaalida dhibaatada Tahriibka iyo in la siiyo tababaro dhanka saxaafada iyo shaqo abuurista. Mashruuca cusub baa waxaa maalgelin doona Midowga Yurub.
Cabdifataax Jannaggale ayaa ah shaqsi muda dheer la shaqeeynayay Midowga Yurub qeeybta horumarinta dhalinyarada dhanka waxbarashada iyo arimaha bulshada, baa wuxuu ooga faideeyaa fursadaha harumarineed ee ka jira Midowga Yurub qurbajoogta Soomaalida ku dhaqan Yurub.

Mudane Jannaggale ayaa ah shaqsiga soo abaabulay shirkaan tababareed ee hada ka dhacaya Macedonia. Waxaana isugu yimid 12 wadan ee kakala yimid qaarada Yurub, waxaana Finland matalayay 5 xubnood iyo wakiilka  oo ka socday Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland.

Cabdiftaax Jannaggale baa wuxuu balan qaaday inuu fursadahaan horumarineed ee uu qibrada u leeyahay si gaar ah oogu faaideeyn doono Dalada cusub ee ay sameeysteen Qurbajoogta reer Puntland ee ku dhaqan Yurub. Asigoo balanqaaday in wadan walba oo xubin ka ah, ama ka noqon doona Dalada, tababaro loo sameeyn doono si ay u kobciyaan aqoontooda kadibna ay u horumariyaan waxqabadka ururadooda, taasoo ay ka faaideeysan doonaan dadka ay matalaan. Wuxuuna fursad gaar ah sin doonaa xubnaha Golaha fulinta ee Dalada Jaaliyadaha Qurbajoogta reer Puntland ee Yurub (Puntland European Diaspora Associations Network).

Duqa magaalada struga ee wadanka Macedonia ayaa sidoo kale casho sharaf u sameeyey dalada qurbajoogta Puntland iyo wadamadii ka soo qeybgalay sidoo kale duqa magaalada struga ee wadanka macedonia ayaa shahaado sharaf gudoon siiyey dalada qurba-joogta Puntland ee Finland.

Gudoomiyaha arimaha bulshada dalada mudane Cabdulqadir Abshir (Kadiye) ayaa qeyb weyn ka qaaday shirkii ka dhacay struga wadamadii kasoo qeybgalay shirka ayaa gudi sameystay waxaana dalada nasiib u yeelatay iney xubin ka heshay gudigaas shir ay yeesheen ka dib dalada waxay isku raacday Cabdulkadir Abshir in uu noqdo gudiga la dhisay.

Xunbo
ka mid ahaa dalada ayaa soo booqday wasaarada arimaha dibada wadanka macedonia.

Shirka soo socdo ayaa waxaa lagu qaban doonaa wadanka Greece  sanadka soo socda.













12140034_1037968736244079_1712669686272574271_o

About The Author