Daawo-Dhagayso: Muungaab oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Ruqsad Ay bixisay DFS

15 Okt 2015 (Puntlandes) Wasaaradda amniga  ee DFS ayaa hay’ad QM ka tirsan u ogolaatay inay xirato jid hormara Xafiiskeeda, kadibna waxaa ka kor yimid guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab isagoo joojiyey qorshihii lagu xiir lahaa waddada.


Muungaab ayaa maanta hor istaagey qorshe ay ku xiran lahayd hay’adaha QM waddo ag marta Wadada aada Airporka.
Muungaab ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Amniga DFS inay gacmaha kula jirto Shaqo aan teedii aheyn, oo maamulka gobolka Banaadir u gaar ah, isagoo intaas raaciyey in sharciga uu dhigayo in arrimaha la xiriira waddooyinka magaalada Muqdisho ay tahay howsha maamulka gobolka Banaadir kaliya, balse aysan wax shaqo ah ku lahayn DFS.

About The Author