Dhagayso-Daawo Barnaamijka Doodwadaag oo Bursaalax tusaale loo soo qaatay

15 Okt 2015 (Puntlandes) Barnaamijka Doodwadaag ee ka baxa Universal Tv uuna tabiyo Wariye Cawil Daahir ayaa waxaa Tusaale ku dayasho mudan loo soo qaatay Mashruuca Horumarinta Bursaalax.

Barnaamijkii baxay xalay 14 okt 2015 ayaa Wariye Cawil waxaa marti ugu ahaa Aqoonyahanada kala ah:

  1. Axmed Cabaas Axmed (Gacmogaab)
  2. Maxamuud Maxamed Culusoow
  3. Cabdulaahi Maxamed Shirwac

Waxay soo bandhigeen sida iyo Habka ay iyaga la tahay in ay u dhici karto Doorashada 2016ka, iyagoo ku doodayey Qabiil iyo 4,5 in wax lagu qaybsado.

Aqoonyahan Axmed Cabaas Axmed (Gacmogaab) ayaa maruu Qabiilku inuusan Xumaan lahayn ka hadlayey Yiri ”Maalin dhawayd waxaan Daawaday Cajalad laga  soo duubay Tuulo la yiraahdo BURSAALAX oo ku taala Gobolka Mudug Degmada Galdagob, 2002 ayaa waxaa laga furay Dugsi 50 Caruura ay isugu yimaadeen, maanta 2000 iyo siyaadaa dhigta, magaaladii waxay yeelatay Biyo, Koronto iyo Isbitaal, talaabadaas Jilib ka mida Cumar Maxamuud oo Reer Khalaf la yiraahdo ayaa bilaabay hadana waxaa looga yimaada Kililka, meelo badan, marka Qabiilka inta aynu caleemo saarayno Qof Jini Boqor ah oo aan waxba inoo qabanayn, Qabiilku waxuu ku nool yahay Dhul waxaa looga baahan yahay Biyo; Caafimaad iyo waxbarasho…. Marka Jini Boqorro aan waxba kuu qabanayn inta aad Calema saarayso…….Reer Khalaf cid ay wax yeeleen iyo Qaranimo ay Baabi’iyeen ma jirto reer walbana hadduu sidaas u TASHADO QARANIMO uu baa’iyey ma jirto…”

Dhagayso Axmed Cabaas Axmed (Gacmogaab) oo Bursaalax tusaale usoo qaadanaya


Daawo Barnaamijka (Bursaalax daqiiqada 45:49)

Puntlandes.com

 

About The Author