Shirka Xamar ka furmaya & Puntland!!

17 Okt 2015 (Puntlandes)  Waxaa ka furmaya maalinka Isniinta magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir Shir ay kasoo qayb galayaan DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo SUUBISKOODA (Galmudug= maadaama aysan buuxin Sharuudaha Dastuuriga ah) iyo bulshada Rayidka ah.

1

Shirka Xamar ayaa lagu go’aamin doona habka ay u dhacayso doorashada 2016-ka, waxaana arrintan go’aan ka wada gaari doona xubno ka socda DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo SUUBISKOODA iyo bulshada rayid ah.

Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka duulaan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland, iyagoo ka qayb galaya shirka.

Dawladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa horay Shacabka reer Puntland ugu soo bandhigtay 9 Qodob oo ay ku sheegtay Mabaadiida Aasaasiga markii uu soo dhamaaday shirkii Xamar ee hore ww qabsoomay September 2015, hoos ka Akhri:

  • Dastuurka KMG ee DFS waa kii lagu heshiiyey laguna kala saxiixday Nairobi June 22, 2012.
  • Waa in dooarashadu ay dalka ka qabsoonto wakhtiga loogu talagalay ayadoo aan lagu darin waqti.
  • Waa in Xulashada Baarlamanaka cusub lagu saleeyaa 18 kii gobol iyo degmooyinkii  jiray kahor burburkii Somaaliya 1991.
  • Hannaanka xulashada Baarlamaanka cusub waxaa go’aaminaya Dowlad goboleedyada iyo Maamulada ka jira degaankaas iyagoo la tashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan .
  • Waa in la dhiso Golaha Aqalka Sare (Upper House) laguna saleeyo 18 kii Gobol ee ka horeeyey 1991.
  • Waa in go’aan kama danbeys ah laga gaaro meesha, maqaamka iyo xuduudaha ay yeelaneyso caasumada soomaaliya.
  • Waa in dib loo wada dhisaa dhammaan guddiyada heer Qaran sida Guddiga Doorashoyinka, Gudiga Xuduudahaha, Gudiga Garsoorka, Gudiga Dastuurka, IWM.
  • Waa in la caddeeyaa maamul goboleedyada buuxiyey  shuruudaha dastuurka iyo kuwa aan buuxin iyo maqaamka ay kala yeelanayaan kuwa KMG ah iyo kuwa ka baxay.
  • Awood qaybsiga Dowlad goboleedyadu waa inuu  ku salaysan yahay baaxadda deegaanka

Hadaba waxaa iswaydiin ah ma la xalin doonaa Qodobadatan siday dawladda GAAS u sheegtay mise waxay ahayd maaweelo sidii looga bartay?

Wax walba waxay kala cadaan doonaan markuu shirkaasi dhamaado iyo waxa kasoo baxa!!

About The Author